4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 15, 2017
Hogaamiye ka tirsanaa Daacish oo lagu dilay duqeyn Mareykanku geystay

 

Sabti, July, 15, 2017 (HOL) - Wasaaradda gaashaandhigga dalka Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn ay ka geysatay Waqooyiga Bari dalka Afghanistaan in lagu dilay hoggaamiyihii Daacish ee gobolka Kunar.

Ninka la dilay ayaa madax ka ahaa kooxda Daacish ee ka howlgasha gobolka Kunar , waxaana lagu magacaabi jiray Abu Sayed.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaadhigga dalka Mareykanka ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay dishay hoggaamiyihii sadddexaad ee Ururka Daacish u qaabilsanaa gobolka Kunar.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa inta badan beegsada goobaha ay ku sugan yihiin Hoggaamiyeyaasha Ururka Daacish.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]