St Cloud Minnesota oo lagu soo bandhigay Buug ay Qortay Hudda Ibrahim, Soomaalidii barafka timid
Khamiis July, 13 2017 (HOL)- Hudda
Ibraahim oo barre sare ka ah kuliyadda farsamada ee magaaladda St Cloud ee
gobolka Minnesota ayaa shalay daahfurtay buugg cusb ay qortay dhawaan oo la
yiraahdo From Somalia to Snow” Soomaalidii barafka timi.
Buugga Hudda Ibrahim oo ku qoran
luuqada English-ka waxa uu ka hadlayaa taariikhda Soomaalida u soo qaxday
dalkaan, imaatinkoodii Maraykanka iyo sababaha ay u doorteen inay yimadaan
Minnesota.
Daahfurka buuggaan oo ay ka soo
qaybgaleen dad aad fara badan ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii ka soo qaybgalay duqa magaalada St Cloud ee gobolka Minnesota Mayor Dave
Kleis ,madaxda sare ee kuliyadda ay macalimadda ka tahay Hudda Ibraahim,
waxayna dhamaantood qireen in buuggaan uu soo baxay xili loo baahnaa, Duqa
magaaladda waxa sheegay in buuggaan uu aqriyey wax badana ka faaiidaytay .
Hudda Ibraahim oo HOL u warantay ayaa sheegtay in buuggeeda
uu u fasirayo dadka Maraykanka Dhaqanka Soomaalida, caadooyinkooda,salaada
Soonka,maxay haweenku u qaataan xijaabka,qaabka ganacsiga Soomaalida iyo waliba
dhibaatada naga haysata ganacsiga iyo caafimaadka.
Dad badan oo isagu jira Soomaali iyo Maraykan oo buuuggan
soo aqriyey ayaa aad uga hadlay
faaiidada uu u yeelan karo isdhexgalka bulshadaan buugga ay qortay hudda
Ibraahim.
Siyad Said Salah
Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis,Minnesota