Saddexda xisbi qaran ee Somaliland oo ka warbixiyey kulankii ay la yeesheen Guddida doorashooyinka
Sabti, Janaayo ,7, 2017 (HOL)- Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sadexda xisbi qaran uga warbixiyay xaaladda guud ee goboladda la doonayo in la gaadhsiiiyo kaadhadhkii ay ku codeyn lahaayeen oo ay sheegeen in dadkii intooddii badnaa ka qaxeen deegaanaddoodii taasina ay adag tahay in la gaadhsiiyo kaadhadhkoodii.
Guddida doorashooyinka ayaa qiimeyn ku soo sameeyey xaaladda abaareed ee wadanka ka jirto oo ay u qaybiyey sadex qaybood, xaaladda abaartu ku badnayn, xaalad abaar dhex dhexaad ahi hayso iyo xaaladda abaar darani ku dhacday oo dhulkoodii ka hayaamay.
Waxaanay guddidu sheegtay inay iyagu diyaar u yihiin inay doorasho qabtaan, oo hadda goboladda qaarkood ay kaadhadhkii gaadhsiin doonaan oo dhankooda ka diyaar tahay in doorasho wakhtigeeddii dhacdo balse arrin qaran looga baahan yahay xaaladaas jirta wixiii laga yeelayo in laga arrinsaddo.
Kulankan ayaa la sheegay in saddexda xisbi ku kala aragti duwanaayeen, oo labada xisbi mucaarad soo jeediyeen in aan doorashaddu xaaladan ku dhici Karin, halka xisbiga taladda haya ee KULMIYE labadda gudoomiye ee xisbi mucaarad usoo jeediyey inay waraaq ay ku dalbanayaan dadka ugu sheegayaan in muddo kordhin la sameeyo soo qaraan dadka bandhigaan si aan xukuumadda hadhow loogu eedeen inay iyadu doonayso muddo kordhin, taas oo la isku af garan waayey, haseyeeshee oo balamay maalinta Salaasadda ee toddobaadkan in mar kale la iskugu yimaaddo.
Kulankaasi oo aan warbaahinta loo ogoleen markii uu dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay masuuliyiin ka tirsan sadexda xisbi qaran oo ka warbixiyey kulankaasi wuxuu daarnaa.
Ugu horeyn xisbiga mucaaradka ah ee WADANI oo uu u hadlay xoghayaha guud ee xisbigaasi Maxamed Uurcadda oo ka hadlaya waxa uu kulankaasi lagaga wada hadlay waxa uu yidhi “guddida doorashooyinku waxay soo mareen bari iyo galbeed oo waxay nooga warbixiyeen xaaladda ka jirta deegaanadii laga codaynayey iyo dadkii codaynayey, waxaanay warbixintoodda u qaybiyeen saddex qaybood oo kala ah, qayb ku jirta abaar dhexe, deegaanadda qaar oo abaar xun ka jirto iyo in iska dhex dhexaad ah,waxa kale oo ay qiimeeyeen dadki goobihi hore iska diiwaangaliyey in laga helayo iyo in aan laga helayn”
“waxa kale oo ay noo sheegeen inay ku jiraan tobabarkiii ardaydii jaamacadaha ee fulinayey qaybinta kaadhadhka codeynta, waxay noo sheegeen marka magaalooyinka waaweyn lagareebo, in abaaro ba’ani ka jiraan dalka oo ay sii kala badan yihiin oo gobolada qaar khatar yihiin, waxaanay sheegen 70% dadkii miyiga joogay ay ka qaxeen goobii ay joogeen.”ayuu yidhi Uur-cadde oo ka warbixinayey kulankii ay la yeesheen guddida doorashooyinka.
Sidoo kale, xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa isna sheegay in xaaladda jirta aan doorasho lagu gali Karin, isla markaana aanay suurogal ahayn in dad abaaraysan olole doorasho lagu samayn karo, maadaama oo dadkii codeyn lahaa intooddii badnayd deegaanadoodii ka qaxeen abaar darteed.
“ waxa maanta guddida doorashooyinku kulan iskugu yeedheen hogaanka sare ee sadexda xisbi, ujeedadda kulankaasi wuxuu ahaa waxay warbixin naga siinayeen sida hawsha u socoto iyo halka wax u marayaan, waxay noo sheegeen inay ku jireen daabacaddii kaadhadhka oo ay u hadhsan tahay qaybintii kaadhadhka,isla markaana ay u diyaar goobeen wakhtigii ay doorashaddu dhici lahayd, waxa kale oo ay soo bandhigeen xaalad adag oo taabanaysa dadkii kaadhadhka qaatay, waxay qiimeyn ku soo sameeyeen goobihii codbixinta oo dhamayd 1,123 goobood oo goob kasta soo eegeen dadkii markii hore laga diiwaangaliyey iyo inay ka hayaameen meeshoodii iyo in klae ooa y u badan yihiiin inay dadkii aanay joogin goobihii laga diiwaangeliyey, waxay noo sheegeen in 57% dadkii isdiiwaangaliyey in aanay joogin goobahoodii laga diiwaangaliyey, waxa kale oo ay noo sheegeen in 17% ay abaar dhexe hayso”ayuu yidhi ku simaha xoghayaha guud ee xisbiga UCID Cabdinaasir Qodax.
Isagoo sii sharaxaya waxa uu yidhi “Anaga nooma muuqato dadkaasi abaaruhu saameeyeen in olole lagu gali karo oo doorasho dhici karto wakhtigeeddii, waana ku ixtiraamayan guddida doorashooyinka oo ah guddi madax banaan laakiin arrintani arrin talo qaran ah ayey u baahan tahay”
Sidoo kale,waxa isaguna halkaasi ka hadlay afhayeenka xisbiga KULMIYE Xasan Gaafaadhi, waxaanu yidhi “Waxaanu la kulanay anagoo sadexda xisbi qaran ah guddida doorashooyinka, waxay ka warbixiyeen diyaar garowgoogi, halka ay hawshu u marayso, waxa maanta ka diyaar ah kaadhadhkii qaybintoddii oo labadda gobol ee ugu horeeya gali doonaan bishan January 21-keedda, oo laba laba gobol loo galayo hawshaasi, waxa kale oo ay noo sheegeen inay diyaar u yihiin in bisha 28 march,2017 diyaar u yihiin”
Ugu dambeynta waxa u badan tahay in doorashadda ku mudaysan 28 March,2017 in aanay suurogal ahayn inay dhacdo, maadaama oo dadkii codka laga rabay u qaxeen meelo ka fog fog deegaankoodii, isla markaana ay noloshoodda la tacaalayaan oo aanay joogin wakhti ay kaadhadhkii codeynta qaataan, taasina ay keenayso in muddo la kordhiyo.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.