12/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 3 , 2017
Roobab ka curtay gobolka Bari

Talaado, Janaayo 03, 2017 [HOL]-Ayadoo abaaro ba'an ay ka jiraan Soomaaliya qeybo badan oo ka tirsan ayaa haatan waxaa laga soo tebinayaa gobolka Bari war wanaagsan oo ah in roobab ay ka curteen ama ka da'ayaan haatan.

Dhawaan ayaa korontada meelo badan oo gobolkaa ah la damiyay kadib markii laga baqay inay dhibaato keento maadaama roobab mahiigaan ah ay bilowdeen. Magaalooyinka waaweyn ee Boosaaso iyo Garowe ayaa kujira meelaha inta kortada looga baqay in roobabku waxyeeleeyaan dhawaan la jaray.

Haatan ayaa dadku usoo hayaamayaan waa reer miyiga ee meelahaa Bari ka tirsan ee roobabku ka hoorayaan.

Bandar Beyla, Iskushuban iyo dhulka buuraleyda ah ee ku teedsan xeebta Badda Cas ayaa ku jira meelaha roobabka mahiigaanka ah ay ka da'ayaan ee lagu qabowsaday.

Waxaa reer miyigu uga soo hayaamayaan dhulkaa dhulalka kale ee mandaqada Puntland iyo xataa Somaliland.

Deegaano ilaa waxa ka sokeeya Burco ah ayaa looga soo hayaamay roobabkaa ka bilowday gobolka Bari ee Puntland Soomaaliya.

Dadka xoolo dhaqatada ah ayaa iminka lagu soo waramayaa inay ku keenayaan xoolahooda oo isugu jira saddexda nimcooley [geela, ariga iyo lo'da] gawaari waaweyn oo kuwa xamuulka ah si ay uga gaarsiiyaan meelaha roobabku ka hooreen inta aysan wafaadin ama dhiman.

Arinkaan ayaa imaanaya ayadoo xoolo badan ay ku dhinteen abaaraha dalka oo dhan saameeyay dadka iyo duunyada wiixii soo harayna ay geeri qarka u saarnaayeen.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]