Shirkada Hormuud oo Lix boqol oo kun oo doolar ku deeqday abaarta ka jirta dalka
Jimco,
Janaayo, 27, 2017 (HOL) - Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa ku wareejisay
Hormuud Telecom Foundation lacag dhan $ 600, 000
[Lix boqol oo kun oo Dollar] taas oo loogu talagalay gurmadka abaaraha dalka
xilli si daran ay abaaruhu u saameeyeen dadka iyo duunyada ku dhaqan gobolada
dalka.
Guddoomiyaha
shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Axmed MaxamuudYuusuf ayaa tilmaamay in shirkadda
go’aansatay inay lacagtan uga qeybqaadato wax ka qabashada abaaraha ka jira
dalka isaga oo ugu baaqay bulshada qeybaheeda kala duwan in ay ka qeyb qaataan
gurmadka abaaraha.
Mu’asasada
Hormuud Telecom ayaa waqtiyadii ugu danbeeyay waday dadaallo loogu gurmanaayo
dadka ay abaaruhu saameeyeen iyada oo Lacagtan maanta la guddoonsiiyay ay sii
dardar galin doonto gurmadkii ay hay’ada ka waday gobolada ay abaaraha saameeyeen.
Guddoomiyaha Hormuud Telecom Foundation C/llaahi Nuur Cusmaan ayaa bogaadiyay
isla markaana ballanqaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ay gurmad xoog leh u
gaarsiin doonaan dadka dhibaateysan.
Lacagtan
ay bixisay Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa ah lacagtii ugu badneyd oo ay hal
mar shirkad ganacsi ugu deeqdo gurmadka abaaraha iyada oo
shirkaddu ay horay uga qeyb qaadatay wax ka qabashada abaarihii hore. Kaalinta
hormuud kuma koobna abaaraha oo kaliya waxa ay sidoo kale shirkaddu leedahay
dab damis door weyn ka qaata yareynta khasaaraha dabka iyada oo dhanka kale
maalgalisaa iskuulka indhoolayaasha Alnuur oo ay wax ka bartaan dadka araga la’,
waxayna Shirkadda Hormuud sanadkii tagay ku guuleysatay abaalmarinta shirkadda ugu
samafalka badan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]