10/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 26, 2017
Jawaari : Musharixiinta madaxweynaha waa in ay ilaaliyaan jadwalka doorashada

Khamiis, Janaayo, 26, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cimaan Jawaari ayaa ugu baaqay musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya in ay ilaaliyaan islamarkaana dhowraan shaqada iyo waajibaadka u yaala gudiga qabanqaabada doorashada.

Gaar ahaan Jawaari ayaa ugu baaqay dhamaan musharixiinta daneynaya in ay u tartamaan xilka madaxweynaha Jamhuuriyada ilaaliyaan jadwalka is diiwaangalinta musharixiinta oo ku eg Axada nagu soo foolka leh.

”Musharaxiinta waxaan u sheegeynaa in ay ilaaliyaan Jadwalka is diiwaangalinta, Musharaxii uu ka dhaco wakhtiga doorashada mala diiwaangalin doono waxaa loo baahan yahay in la ilaaliyo xiliga is diiwaangalinta”

Xarunta Villa Hargeysa ayeey ka soctaan isdiiwaangalinta, waxaana mashquul ah gudiga oo halkaa ku qaabilayay musharixiin kala duwan kuwaa oo qaarkoona is diiwaangaliyay.

Musharixii ugu horeeyay ee tagay goobta doorashada ayaa noqday madaxweynihii hore ee dowladdii KMG Shariif Sheekh Axmed oo is diiwaangaliyay.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ugu baaqay guddiga doorashada madaxweynaha in ay shaqeeyaan si hufan ,islamarkaana ay ilaaliyaan laftirkooda Jadwalka doorashada.

Ugu danbeyntii, doorashada sanadkan oo noqon doonta mid ka xiiso badan kuwii ka horeeyay ayaa la filayaa in ay ku tartamaan musharixiin uu ka mid yahay madaxweynaha tallada haya Xassan Sheekh Max’uud, madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, rag horey ra’iisal wasaarayaal uga soo noqday dalka, iyo siyaasiyiin caan oo qaarkood marar badan oo hore  ka soo qeyb-gallay doorashada iyo kuwa ku cusub siyaasada intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]