Gollaha wasiirada Soomaaliya oo shir deg deg ah ka yeelanaya xaalada abaarta
Arbaco, Janaayo, 25,
2017 (HOL) - Ra’iisal wasaare
ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya Max’ed Cumar Carte oo warbaahinta la hadlay
ayaa sheegay in maanta oo Arbaco ah kulan deg deg ah ka yeelana doonaan
gollaha wasiirada Soomaaliya xaalada abaarta ka jirta dalka.
‘’’ Shir deg deg ah oo looga hadlayo abaarta ka jirta dalka
ayaan dooneynaa in aan maalinta Arbacada ah [Maanta] ka yeelanayo xaalada
abaarta ka jirta dalka, si loogu gaaro
go’aamo deg deg ah oo la doonayo in looga fuliyo sida ugu dhaqsiyaha badan leh
dalka, lalana gaaro dadka wixii la heli karayo, ‘’ ayuu yiri Carte.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka, ayaa sheegay in QM iyo hay’adda
deeqdaha bixiyay midkiiba lacag dhan 16 milyan oo doolar ku deeqeen sidii wax
looga qaban lahaa abaarta jirta, isaga oo sheegay in sababta kulanka loo qabanayo tahay sidii deeqaha iyo
kaalmada caalamiga ah dhaqse loola gaari lahaa dadka dhibaateysan.
‘’Sidoo kale dowladaha carbeed ayaa iyagana bilaabay in ay
kaalmo ku deeqaan abaarta ka jirta
Soomaaliya, Markabkii ugu horeeyay ee ka imanaya dalka Saudi Arabia ayaan
fileynaa in uu yimaado Berbera, kuwa kalana waa la sugayaa'' ayuu yir ra’iisal
wasaare ku-xigeenka.
Inkastoo dowlada federaalka Soomaaliya oo marar badan oo
hore sidan uga hadashay xaalada abaarta ka jirta dalka, hadana dhinaca kale waxaa
muuqata in uu jiro dib u dhac oo la xiriira sidii dadka loo gargaari lahaa
madaama xili hore inta badan marteen wixii xoolaha ahaa oo ay dadka heysteen, meelaha qaarna la soo sheegayo in dad ay gaajo iyo haraad u dhinteen.