Boqolaal ardey ah oo ka qalinjabisay jaamacada Banaadir oo shahaado la guddoonsiiyay
Jimco,
Janaayo, 20, 2017 (HOL) -Xaflad weyn oo shahaadooyin lagu gudoonsiinayey
boqolaal arday oo ka qelin jebiyay todoba ka mid ah kuliyaddaha Jaamacadda
Banaadir ayaa lagu qabtay kambaska ugu weyn Jaamacadaas ee Dr. Shahiid oo ku
yaalla degaanka Km-13 ee duleedka magaalada Muqdisho.
Munaasabadan
oo si heer sare ah loo soo qaban-qaabiyey ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka
tirsan Baarlamanka Somalia, Maamulka, Macalimiinta iyo hormuudyada Jaamacadda
Banaadir, masuuliyiin ka socotay jaamacadaha kale ee dalka, qeybaha kala duwan
ee bulshada, waalidiin iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha
Mu’asasadda Banaadir Prof. Cabdullaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti) oo hadalo
furitaan ah ka jeediyey xafladan ayaa u hambalyeeyey ardayda qelin jebisay oo
uu sheegay iney juhdi iyo dedaal badan ku bixiyeen sidii ay heerkan u soo gaari
lahaayeen.
“Marka
shahaadada la idin siiyo ka dib ha is dhihina tacliinta wey dhamaatay,
waxbarashadii rasmiga aheyd hadda ayey idin bilaabatay” ayuu yiri Dr.
Bushkuleeti oo dhinaca kale u mahad celiyey waalidiinta ardayda qelin jebisay,
iyo maamulkii iyo macalimiintii ku soo dedaalay sanadihii faraha badnaa ee ay
waxbarashada ku guda jireen.
Waxaa
isna munaasabadaas ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacada Jasiira Dr. Ibrahim Maxamed
Xuseen oo sheegay in ardayda qelin jebineysa ay soo qaateen waqti adag oo
waxbarasho, loona baahan yahay ineysan khasaarinin, dedaalkoodana sii wadaan,
wuxuuna u hambalyeeyey ardayda iyo maamulka Jaamacadda.
Guddoomiyaha
Jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka
hadashay munaasabadan ayaa sheegay iney u tahay maalin faraxadeed, uuna u
hambalyada la wadaagayo ardayda qelin jebisay, isagoo dhinaca kale ku
dheeraaday asaaska Jaamacadda marxaladihii ay soo martay, horumarka ay ku
talaabsatay iyo waxyaabaha mustaqbalka u qorsheysan.
“Maanta
waa maaalin farxad inoo wada ah maxaa yeelay waxaan soo gebagebeynay safar
dheer oo waxbarasho, waxaana naga qelin jebineysa maanta oo shahaadada koowaad
aan gudoonsiineynaa 364 aqoonyahan, 155 ka mid ay waa dhaqaatiir ka kooban wiilal
iyo gabdho waa guul taariikhi ah oo u soo hoyatay bahda caafimaadka
Soomaliyeed, waxaa kaloo maanta naga qelin jebiyay 64 aqoonyahan oo dhameysatay
Kuliyadda beeraha, kuliyada shareecada iyo qanuunka waxaa ka aflaxay 21
aqoonyahan, Kuliyadda xanaanada xoolaha 55 aqoonyahan, kuliyadda waxbarashada
24 aqoonyaahan, kuliyadda kombiyuutar Sayniska 23 aqoonyahan, kuliyadda
injineeriya waxaa iyana ka soo baxday 24 aqoonyahan” ayuu yiri gudoomiye Dalmar
oo intaa ku daray in ardaydan xaflada loo sameynayo ay ku biirayaan 1,300 arday
oo horey uga qebiyey Jaamacaddan, kuwaasoo xubno ka ah ururka
qelin-jebiyeyaasha Jaamacadda Banaadir wuxuuna mustaqbal wanaagsan u rajeeyey
ardayda dhameysatay, waxbarashada heerka Koowaad.
“Dal
kasta horumarkiisa waxaa horseed u ah dedaalka ay muujiyaan aqoonyahanadiisa,
wadamada horumaraya ee aad arkeysaan aqoon iyo cilmi baaris ayey ku gaareen,
waxaana la idinkaga fadhiyaa inaad sidaas si la mid dadkiina iyo dalkiina u
horseedaan, Soomaaliya oo hadda burburka ka soo kabaneysa idinka iyo kuwa
idinla mid ah ayey u baahan tahay waa hubaal” ayuu yiri Gudoomiye Dalmar oo
dardaaran adag siiyey ardayda qelin jebisay.
Prof.
Cismaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan xubnaha aqalka sare ee baarlamanka Somalia
ayaa isna xaflada ka sheegay in 155-ka aqoonyahan ee ka qelin jebisay kuliyadda
dhaqtarnimada ay yihiin kuwii ugu badnaa ee taariikhda Somalia isku mar ka
qelin jebiya Jaamacadda Banaadir iyo guud ahaan jaamacadaha Somalia taasina ay
astaan u tahay horumarka Jaamacaddu ku talaabsatay mudada 16-ka sano ah ee ay
jirtay.
“Waxaan
idinkaga digayaa hambalyada ka dib inaad wadooyin qaldan qaadaan sida tahriibka
iyo wixii la mid ah, maxaa yeelay dalkiina oo burburka ka jira la’og yahay
ayaaba idin baahan dadka la rabo iney dhibaatada ka saaraan ayaad qeyb ka
tihiin” ayuu yiri Prof. Dufle oo ardayda aflaxday, waalidiintood iyo maamulka
jaamacada ku amaanay dedaalka iyo dhabar adeyga ay muujiyeen.
Hormuudka
kuliyada Caafimaadka ee jaamacada Banaadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo
isna munaasabadan ka hadlay ayaa hambalyada guud ka sokow waxaa uu sheegay
aqoonyahanada qelin jebiyey gaar ahaan dhaqaatiirta ay ku soo beegmeen xili
dalka ay ka jirto baahi caafimaad, loona baahan yahay in wax badan laga qabto.
Xubno
ku hadlayey magaca waalidiinta iyo ardayda qelin jebisay qaarkood oo xaflada ka
hadlay ayaa si isku mid ah ugu mahad celiyey maamulka iyo macalimiinta
Jaamacada Banaadir ee suuragaliyey iney waxbarashada heerkan ka soo gaaraan,
waxayna isla qireen in Jaamacadda banaadir ay tahay hooyadii Jaamacadaha dalka.
Sidoo
kale Hadalo isugu jiray hambalyo, guubaabo iyo dardaaran ayaa waxaa intii
munaasabadan ay socotay ka jeediyey Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen hormuudka
kuliyadda Culuunta Caafimaadka, Xasan Nuur Warsame, xiriiriyaha Jaamacada Banaadir
iyo Jaamacadda International University oo Africa Dr. Mohamed Xaaji iyo
xubno kale.
Ugu
dambeyn Masuuliyiinta Jaamacadda Banaadir iyo madaxii kale ee munaasabadan goob
jooga ka ahaa ayaa waxay shahaadooyin ku gudoonsiiyeen ardaydii ka qelin
jebisay kuliyadaha Jaamacadda Banaadir iyo qaar ka mid ah howlwadeenada
Jaamacadda oo howlkarnimo muujiyey, waxaana xafladaas ay ku soo gebagebowday
jawi farxad badan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]