Xarrakada Al-shabaab oo dishay mid ka mid ah askarta AMISOM oo mudo dheer u xirnaa
Arbaco, Janaayo, 18, 2017 (HOL) - Al-shabaab ayaa
ku soo bandhigay bogaga taageera sawirka iyo muuqaal video ah kaa soo ah dil ay
ku fulisay askari u dhashay dalka Uganda oo muddo dheer u xirnaa.
Muuqaal kooban ayaa lagu soo bandhigay askarigan
oo magaciisa lagu sheegay Masassa kaasoo ka mid ahaa ciidamadii ka howlgalayay
saldhig milatarioo ay ciidamad Uganda ku lahaayeen deegaanka Janaale kaasoo ay
weerareen dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab bishii September 2015.
Askarigan ayaa waxaa isagoo ku xiran katiinad
waxaa toogasho ku dilaya mid kamid ah Alshabaab oo dhinaca dambe ka tooganaya.
Warbaahinta dalka Uganda oo si weyn u hadal haysa arintaani ayaa sheegaya in
Askarigaasi ay dhagaha ka furaysatay dowladda, waxaana qaar ka mid ah ehelada
askarikaasi ay sheegeen in ay muhiim aheyd in dowladdu ay wadahadal la gasho
Al-Shabaab ka hor inta aan la toogan.
Ururka Alshabaab ayaa waxaa gacanteeda ku
jira askari dhowaan ay ka qafaalatay xero ku taal degmada Qoryooley ee gobolka
Sh/hoose.
Ugu danbeyntii, lama sheegin halka ay toogashadan
ka dhacday inkastoo ururka Alshabaab marka uu fulinayo xukunnada dilka ah
badanaa ku soo bandhiga meel fagaaro ah oo ka mid ah deegaanada ay maamulaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]