Sabti, Janaayo 14, 2017 [HOL]-Tartanka kubadda cagta ee gobolada Puntland ayaa wali Garoowe iyo magaalooyin kale ka socda halkaas oo isreebreebku wali socdo balse wali aanan loo gudbin faynaalka.
Tartankaa u dhexeeya horyaalada kubbada cagta ee gobolada yaa soo bilowday dhowr maalmood ka hor. Tartankaan ayaa ah heerka 1aad waxaana ka qeyb qaadanaya 9 kooxood.
Ciyaarahaan ayaan koox walba la doonayaa inay magaalada ay kasoo jeedo ku ciyaarto iyo meel kale -macnaha home and away.
Magaalooyinka ay ciyaarahaa ka dhacayaan ee kale ayaa kala ah Boosaaso, Qardho iyo Gaalkacyo.
Tartanka ayaa ilaa hada si wanaagsan u socda ayadoo xook walba diyaar garow wanaagsan ay u samaysay ciyaaraha soo socda ee wali harsan.
Aaden M WarsameHiiraan Online[email protected]