Madaxtooyada Galmudug oo ka soo horjeesatay go’aankii kalsooni kala noqoshada madaxweyne Guulleed
Talaado, Janaayo, 10, 2017 (HOL) –War ka soo baxay xarunta
madaxtooyada dowlad gobolleedka Galmudug ayaa lagu qaadacay go’aankii
xildhibaannada ee kalsooni kala noqoshada madaxweyne Cabdikariin Xusseen
Guulleed.
Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Galmudug, ayaa la sheegay
go’aanka xildhibaannada qaateen uu ahaa mid sharci darro ah oo baalmarsan
sharciga iyo nidaamka maamulka.
‘’Galmudug waxey leedahay sharci iyo nidaam ay dhigteen dadka
reer Galmudug, wixii intaa baalmarsan
waa sharci darro, waxa maanta ka dhacay xarunta lagu magacaabo Badbaado, waxaan
u aragnaa fowdo iyo sharci darro, mana aqoonsanin go’aankaa isaga ah ‘’ ayaa
lagu yiri warka ka soo baxay madaxtooyada dowlad gobolleedka Galmudug.
Xildhibaannada maanta codka kalsoonida kala laabtay
madaxweynaha ayaa ku eedeeyay xil gudasho la’aan, iyo in uu ka soo bixi waayay
howlihii loo idmaday.
Shirka maanta waxaa shir guddoominayay ku-xigeenka koowaad
ee baarlamaanka Xareed Cali Xareed, madaama guddoomiyihii baarlamaanka Galmudug
Cali Gacal Casir ku maqan yahay magaalada Muqdisho.
Ugu danbeyntii, waxaa xiligan muuqaneysa kala qeybsanaan weyn
oo soo kala dhaxgashay baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug oo hada la kala
safan guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa.