Maamulka gobolka Hiiraan oo ka hadlay abaar ka jirta deegaano hoostaga degmada Beledweyne
Talaado, Feberaayo, 07, 2017 (HOL) – Guddoomiye
ku-xigeenka degmada Beledweyne Cawaale Isaaq Cabdulle oo warbaahinta la hadlay
ayaa sheegay deegaanno hoosta degmada qaarkood xiligan ay ka jirto sida uu
hadalka u dhigay abaar saameyn ku yeellatay dadka iyo duunyada intaba.
‘’Waxaan socdaal ku soo marnay dhul gaaraya
85km, runtii waxaan halkaa ku soo aragnay xaalad adag oo dhinaca nolasha
ah, biyo la’aan, baad la’aan,
caafimaadkii dadka oo aad u liita iyo nolal runtii aad u adag oo soo food saartay dadka ku dhaqan deegaannadii aan marnay’’ ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka degmada
Beledweyne.
Waxaa uu sheegay in deegaannada dhibaatada ugu
badan ay ka jirto oo ay booqdeen yihiin kuwa dhaca galbeedka degmada Beledweyne.
‘’Deegaannada aan soo marnay waxaa ugu badnaa
kuwa dhaca galbeedka gobolka Hiiraan, oo runtii la oran karo waxaa saameyn adag
ku yeelatay guud ahaanba abaarta ku dhufatay qeybo badan oo ka mid ah dalka’’
ayuu yiri Cawaale Isaaq Cabdulle.
Inkastoo abaartan ay ka dhalatay roobabkii la
filayay oo la waayay dhowr xili oo is
xig xiga. Ayaa haddana waxaa marka la eego xaalada uga sii daray wabiga
shabeelle oo ay ku tiirsanayeen inta badan beeraleyda iyo dadka xoolaha
dhaqatada ah oo gabi ahaanba gurray, taasoo keentay in nolasha ku adkaato dadka
ku dhaqan deegaannada dhaca jiinka Wabiga.
Guddoomiye ku-xigeenka ayaa ugu baaqay hay’addaha
samafalka iyo jaaliyadaha intaba in ay gargaar u fidiyaan dadka ku dhibaateysan
qeybo ka mid ah gobolka oo waqtigan adag wajahaya xaalada abaarta.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]