Madaxweynaha cusub ee Somaliland oo ku dhawaaqay golihiisa Wasiirada Akhriso
Khamiis, December, 14, 2017 (HOL) – Madaxweynaha cusub ee
Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku
dhawaaqay xubnihiisa golaha wasiiradda maalin kaddib markii loo dhaariyay xilka
madaxweynaha munaasabad shalay ka dhacday xarunta madaxtooyada.
Golaha wasiiradda cusub ayaa waxaa ka dhax muuqda oo dib u soo noqday Afar Wasiir oo horey uga tirsanaa xukumadii Siilaanyo kuwaa oo kala ah,Dr Sacad Cali Shire wasiirka arrimaha dibadda, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare Wasiirkii Deegaanka Somaliland, iyo Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada, laakiin horay u ahaa wasiirka arrimaha Gudaha
Akhriso Magacyada xubnaha golaha wasiiradda cusub :
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com