4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 27, 2017
Faah faahin ku saabsan Qarax laga maqlay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho


Axad, Augusto, 27, 2017 (HOL) – Qof goob jooge ah oo la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay in gaarigan oo lagu soo raray walxaha qarxa la soo dhigay waddada shaqaallaha gaar ahaan Isgoyska Xaaji Baasto, hasse ahaatee dadku goor horeba ka sii shakiyeen.

Waxaa gaaray goobta ciidamo ka tirsan dowladda oo ay dadku ay wargaliyeen in ay ka shakiyeen gaariga oo noociisu ahaa SURF .

Wararku waxaa ay sheegaan in ciidamada dowladda ay markii danbe ku guuleystay in ay qarxiyaan gaariga, lamana sheegin cid wax yeelo ka soo gaartay.

Ciidamada ilaalada wadooyinka ayaa kala dagaalama darwalada iyo wadayaasha in ay gadiidkooda uga tagaan meelaha dadku ku badan yihiin, iyadoo gaariga la waayo darwalkii waday ciidamadu ka jiidaan goobta, si looga hortago qaraxyo dhaca.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]