4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 27, 2017
Qarax goor dhaw ka dhacay Waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho

 

Axad, Augusto, 27, 2017 (HOL) – Qarax xooggan ayaa goor dhaw ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay soo baxayaa warar hor dhac ah.

Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari la soo dhigay waddada, kaasoo markii danbe qarxay.

Waddada Maka  Al-Mukarama oo ah wado aad u mashquul ah, ayaa halbowle u ah isu socodka qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Gadiidka gurmad deg deg ah ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, walina lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Faah faahinta warkan waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]