Axad, Augusto, 27, 2017
(HOL) –Ehelada dadkii dhawaan lagu dilay deegaan hoostaga degmada Bariire ayaa
diiday in ay meydadka Aasaan, ilaa sida ay hadalka u dhigeen dowladda
Soomaaliya ka qiraneyso in ay ka danbeysay dilka dadkan rayidka ah.
Tobanaan ruux ayaa la toogtay
kaddib weerar ay wada jir uga fuliyeen degmada Bariire oo 50 km u jirta
caasimada Muqdisho ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Mareykanka
ah Jimcihii ina dhaafay.
Ali Nur oo ah guddoomiye
ku-xigeenka gobolka Shabeellaha hoose ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters
in aan dadkan la aasi doonin ilaa dowladda ay ka qiraneyso lagana bixiyo
Magdhaw.
‘’Sababta aan u diidnay in aan Aasno waa dowladda oo aan
wali qirsaneyn in ay dilkan geystay ayuu yiri Ali Nuur oo la hadlay Reuters.
Waxaa uu sheegay in dowladda looga fadhiyo in ay qirato
dilka dadkan rayidka ah kaddibna ka bixiso sida uu hadalka u dhigay Magdhaw.
Dadkan ayaa hadda xabaale ku-meel-gaar ah looga dhigay gadiidka
qaboojiyayaasha halkaasoo meydkooda lagu hayo, madaama Eheladu ka biyo diideen
in ay Aasaan.
Taliska Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in ay ku lug
lahaayeen weerarkii ka dhacay deegaanka Bariire, balse waxaa ay sheegeen in ay
baarayaan warka ku saabsan in dad rayid ah la dilay.
Wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya ayaa markii ugu horeysayba war ay
soo saartay ku sheegtay in dadkan la dilay hubeysnaa,
laakiin taliska militariga ayaa markii danbe sheegay in dadka
dhintay dhamaantood ahaayeen dad rayid ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa arintan u saartay guddi isugu
jiray wasiiro iyo saraakiil ciidan oo loo qabtay in mudo shan cisho ah jawaab
uga bixiyaan dhacdadii Bariire.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]