4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 27, 2017
Kismaayo oo laga daahfuray Bangi caalami ah oo ay leedahay Dahabshiil


Axad, Augusto, 27,2017 (HOL) -Wasiirka wasaaradda ganacsiga dowlad goboleedka Jubaland Mudane Fariid Jaamac Saleebaan ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Bangiga cusub ee shirkadda Dahabshiil kaa oo laga hirgeliyay Kismaayo.

Munaasibadda daahfurka ayaa lagu qabtay Hotel Aga nee magaalada Kismaayo, waxaana kasoo qeybgalay, madax ka tirsan Jubaland iyo masuuliyiin ka socotay ururrada bulshada rayidka ah ee Jubaland.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Madaxa bangiga Dahabashiil ee Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya Mudane Cismaan Cali Xalane, isagoo sheegay in bangigu adeegyo muhiim ah kusoo kordhin doono deegaanada Jubaland, isagoo ugu baaqay bulshada reer Jubaland in ay kamid noqdaan macaamiisha bangiga.

Gudoomiyeyaasha gobolka J/hoose iyo kan degmada Kismaayo, masuuliyiintii ka socotay ururrada bulshada rayidka ah iyo qaar kamid ah marti sharaftii ka hadashay goobta ayaa soo dhaweeyay bangiga, ayagoo sheegay in ay tahay tallaabo loo qaaday dhanka horumarka.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Jubaland Mudane Fariid Jaamac Saleebaan oo ugu danbeyn madasha ka hadlay ayaa sheegay in arintan ay tahay mid kaalin weyn ka qaadan karta horumarka deegaanada Jubaland, waxa uuna mahadcelin u jeediyay masuuliyiinta shirkadda oo gartay in Kismaayo ay ka furaan xaruntan. Waxaana gabagabadii uu xariga ka jaray bangiga.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.