4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 27, 2017
Taqasuska Maareeynta Masiibooyinka oo lagu soo kordhiyay qeybta Master -ka Jaamacada Banaadir


Axad, Augusto, 27, 2017 (HOL) - Munaasabad lagu daahfurayey Taqasuska cusub ee Maareynta Masiibooyinka (Master in Disaster Resilience Leadership & Humanitarian Assistance) oo lagu soo kordhiyey qeybta waxbarashada heerka labaad ee Jaamacadda Banaadir ayaa shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Hirgelinta Taqasuskan ayaa waxaa iska kaashaday Jaamacadda Banaadir, Machadka Somali Disaster Resilience Institute (SDRI) iyo Jaamacada Goerge Washington ee dalka Maraykanka.

Waxaa Munaasabada furitaanka Taqasuskan ka qeyb-galay, masuuliyiinta hormuudyada, macalimiinta iyo qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda Banaadir, wakiilo ka kala socday Machadka SDRI, Urur goboleedka IGAD, Wasaaradda gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, heyaddo kale, aqoonyahano iyo marti sharaf.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsansan yahay ka soo qeyb galka daah-furka taqasuskan cusub ee lagu kordhiyey qeybta Masterka ee Jaamacadda Benaadir.

“Dedaal muddo dheer socday iyo juhdi fara badan ka dib ILAAHAY mahadiis waxaan ku guuleysanay maanta inaan aasaaska u dhigno taqasuska Maareynta Masiibooyinka ee aan maanta furitaankeeda xafladan u fadhino, Jaamacadda Banaadir waxay u taagan tahay iney had iyo jeer daboosho baahida ay qabaan bulshada Soomaaliyeed, soona saarto aqoonyahano dabooli kara hadba meelaha umaddu uga baahan tahay in laga horumariyo” ayuu yiri Gudoomiyaha Jaamacada Banaadir.

Dr. Dalmar ayaa ka waramay baahida loo qabo taqasuskan iyo muhimada uu u leeyahay, dalka iyo dadka Soomaaliyeed, maadaama buu yiri dalkeena ay ku badan yihiin noocyada kala duwan ee Masiibooyinka sida, dagaalada, abaaraha, fatahaadaha iyo kuwo kale, wuxuuna ugu baaqay ardayda Soomaaliyeed iney ka faa’iideystaan, isagoo tilmaamay iney tahay markii ugu horeysay ee taqasuskan laga bixiyo Jaamacad ku taalla dalka, Mahad ballaaran ayuuna u celiyay heyadaha Jaamacada Banaadir gacanta ka siiyey hirgelinta Taqasuskan.

Xiriiriyaha hindisaha Maareynta abaaraha Geeska Afrika ee urur goboleedka IGAD Dr. Cismaan Cilmi oo isna halkaas ka hadlay ayaa talaabo taariikhi ah ku tilmaamay in Jaamacada Banaadir ay markii ugu horeysay dalka ka hirgeliso taqasuska Maareynta Masiibooyinka, isagoo Maamulka Jaamacada uga mahad celiyey dedaalka ay u galeen taaba gelinta taqasuskan, wuxuuna dhinaca kale ka waramay xaaladaha abaareed ee ka jira Geeska afrika iyo dhibaatooyinka ka dhashay, wuxuuna tilmaamay in baahi weyn loo qabo aqoonyahanada ka soo bixi doona taqasuskan si buu yiri ay wax badan uga qabtaan Maareynta Masiibooyinka aafeeyey Soomaalida.

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay agaasimaha Machadka daraasaadka Culluumta Maareynta Masiibooyinka (SDRI) Maxamed Cismaan oo sharaxaad dheer iyo faahfaahin ka bixiyey habka loo soo diyaariyey taqasuskan, qeybaha uu u kala baxo, maadooyinka lagu baran doono, aqoonta uu xambaarsan yahay iyo faaiidooyinka laga dhaxlayo, isagoo ka qeyb galayaasha uga jawaabay su’aalo ku saabsanaa taqasuskan cusub.

Munaasabadan oo ku dhamaatay jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa ka mid ahaa masuuliyiinta hadalada ka jeediyey C/qafaar Abuukar oo ah Ku-simaha Guddoomiyaha heyadda Maareynta Masiibooyinka Qaranka iyo C/fitaax Shiikh Maxamuud oo ah agaasimaha waaxda soo kabashada iyo soo dhoweynta Qaxootiga soo laabanaya ee Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiiibooyinka, waxayna balan-qaadeen iney khibradooda waayo aragnimo ku kordhin doonaan taqasuskan kana qeyb qaadan doonaan sidii loo taaba gelin lahaa.

Jaamacadda Benaadir oo la aasaasay sanadkii 2002 kana kooban in ka badan toban kuliyadood iyo qeybta Masterka oo taqasusyo badan ka kiooban ayaa sanadba sanadka dambeeya ku talaabsaneysa horumaro kala gedisan oo ku aadan horumarinta laamaha cilmiga iyo kobcinta tayada waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed.