Axad, Augusto, 27, 2017 (HOL) – Ururka
Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyada weerar uu fuliyay qof Soomaali ah oo ka
dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.
War lagu qoray wakaalada wararka u faafisa Ururka Daacish oo lagu magacaabo
Amaq ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah kooxdii fulisay weerarkaas uu ka mid
ahaa askartooda.
Ma sheegin magaca ninkan, hasse ahaatee booliiska Belgium ayaa goor sii
horeysay sheegay in ninkan uu yahay Soomaali.
Ciidamada la dagaalanka argagixisada ayaa howl gal baaritaan ka sameeyay
guriga uu degenaa ninkan oo ku yaala magaalada Bruge ee waqooyi galbeed dalka
Belgium.
Ninkan Soomaaliga ayaa la sheegay inuu gallay dalka Belgium sanadkii 2004,
waxaana uu dhalashada dalkaas uu qaatay sanadkii 2015.
Booliska ayaa sheegay in ninkan aysan ka filaneyn inuu geysto falkaan, mana
jirin aqoon ay horay u lahaayeen laamaha dambi baarista.
Soomaalida ku nool dalka Belgium ayaa walaac ka muujiyay dhacdadan, iyagoo
sheegay inay saameyn ku yeelan karto.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]