4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 27, 2017
Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha hoose

 

Axad, Augusto, 27, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in iska horimaad xoogan uu ku dhaxmaray deegaanka Golweyn ciidamada dowladda iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka oo dhacay subaxnimadii hore ee saakay labada dhinac isku adeegsadeen hub culus iyo madaafiic.

Al-shabaab ayaa sheegatay in ayaa sheegatay in ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha hoose.

Laakiin dhinaca kale sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa beeniyay in laga qabsaday deegaankaas.

Waxaa uu sheegay in ay iska difaaceen weerarkaas, islamarkaana dhinaca Al-shabaab ay uga fureen qori Ak47 ah sida uu yiri.

Deegaanka Golweyn ayaa ku taala meel istiraatiiji ah oo sahayda u marta ciidamada AMISOM ee ku sugan degmooyinka Buulo Mareer iyo Marka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]