3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 27, 2017
Beledweyne : Ciidamo la dagaalama kooxaha isbaarooyinka dhigtay oo la sameeyay

 

Axad, Augusto, 27, 2017 (HOL) – Maamulka degmada Beledweyen iyo gobolka Hiiraan ayaa sheegay in markii ugu horeysay la dhisay ciidamo loogu tala-galay in ay la dagaalamaan kooxaha isbaarooyinka dhigtay, islamarkaana xaqiijiyaan guud ahaanba amniga deegaannada hoostaga degmada.

Aadan Axmed Xeefoow guddoomiyaha degmada Beledweyne ayaa sheegay in ciidamadan lagu amray in ay sigaar ah ula dagaalamaan kooxahA Jidgooyooyinka dhigta, islamarkaana dhibaateeya dadka rayidka ah.

Waxa uu sheegay in howlgallo ay horay u sameeyeen ay ku soo qab qabteen kooxo burcad ah oo dadka dhibaato ku hayay, islamarkaana ciidamadan diyaar u yihiin in ay magaalada Baladweyne iyo daafaheeda ka sifeeyaan sida uu hadalka u dhigay kooxaha isbaarooyinka u dhigtay dadka isaga kala goosha gobolka iyo qeybaha kale ee dalka.

Arintan ayaa imaneysa xili maamulka cusub ee gobolka Hiiraan oo uu dardar-galinayo howlaha la xiriira sugida amniga deegaannada ay dowladdu ka maamusho gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/27/2017 10:12 AM EST
Axad, Augusto, 27,2017 (HOL) -Deegaanka Goobweyn waxa uu hoostagaa magaalada Kismaayo, wuxuuna qiyaastii 15-km magaalada kaga beeganyahay dhanka waqooyiga.

8/27/2017 9:53 AM EST
Axad, Augusto, 27, 2017 (HOL) – Qof goob jooge ah oo la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay in gaarigan oo lagu soo raray walxaha qarxa la soo dhigay waddada shaqaallaha gaar ahaan Isgoyska Xaaji Baasto, hasse ahaatee dadku goor horeba ka sii shakiyeen.

8/27/2017 9:37 AM EST
Axad, Augusto, 27, 2017 (HOL) – Qarax xooggan ayaa goor dhaw ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay soo baxayaa warar hor dhac ah.

8/27/2017 9:08 AM EST
Axad, Augusto, 27, 2017 (HOL) –Ehelada dadkii dhawaan lagu dilay deegaan hoostaga degmada Bariire ayaa diiday in ay meydadka Aasaan, ilaa sida ay hadalka u dhigeen dowladda Soomaaliya ka qiraneyso in ay ka danbeysay dilka dadkan rayidka ah.

8/27/2017 8:46 AM EST
Axad, Augusto, 27, 2017 (HOL) – Ciisa Qaraaqic oo ah madaxa hay;’adda arimaha maxaabiista Falastiin ayaa sheegay in Israa’iil ay bilawgii sanadkan ilaa hadda ay xoog ku qafaasheen 800 oo carruur Falastiiniyiin ah.

8/27/2017 8:15 AM EST
Axad, Augusto, 27,2017 (HOL) -Wasiirka wasaaradda ganacsiga dowlad goboleedka Jubaland Mudane Fariid Jaamac Saleebaan ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Bangiga cusub ee shirkadda Dahabshiil kaa oo laga hirgeliyay Kismaayo.

8/27/2017 7:55 AM EST
Axad, Augusto, 27, 2017 (HOL) – Maxkamadda sare ee dalk Soomaaliya ayaa war ka soo saartay mudada uu xirnaan karo maxbuuska, iyadoo aan wax maxkamad ah aan la horkeenin.

8/27/2017 7:45 AM EST
Axad, August, 27, 2017 (HOL)- Kalfadhigii maanta ee golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa lagu doortay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golahaasi oo loo doortay xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.

8/27/2017 7:06 AM EST
Axad, Augusto, 27, 2017 (HOL) – Bayaan ay soo saaren odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayeey ku sheegeen in laga bilaabo maanta gobolku yeeshay maamul madaxbanaan oo lagu magacaabo sida ku qoran bayaanka Hiiraan Land

8/27/2017 7:00 AM EST
Axad, Augusto, 27, 2017 (HOL) - Munaasabad lagu daahfurayey Taqasuska cusub ee Maareynta Masiibooyinka (Master in Disaster Resilience Leadership & Humanitarian Assistance) oo lagu soo kordhiyey qeybta waxbarashada heerka labaad ee Jaamacadda Banaadir ayaa shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

8/27/2017 3:26 AM EST
Axad, Augusto, 27,2017 (HOL) -Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Koonfur Afrika kaga qeyb-galay shir-weyne ay kasoo qeyb-galeen qaar kamid ah Hogaamiyaashii soo maray Qaaradda Africa.

8/27/2017 3:24 AM EST
Axad, Augusto, 27, 2017 (HOL) – Ururka Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyada weerar uu fuliyay qof Soomaali ah oo ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

8/27/2017 2:59 AM EST
Axad, Augusto, 27, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in iska horimaad xoogan uu ku dhaxmaray deegaanka Golweyn ciidamada dowladda iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.

8/27/2017 2:28 AM EST
Axad, Augusto, 27, 2017 (HOL) – War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed ayaa lagu amray xubnaha gollaha wasiirada in aysan isticmaali karin baraha bulshada iyo warbaahinta qeybaheeda kala duwan, iyagoo aan ogolaansho heysan.

8/27/2017 2:07 AM EST
Axad, 27 Augusto 2017 (HOL) –Shirkan oo laba maalmood ka socday caasimadda dalka Mozambique ee Maputo, ayaa waxaa Wadamada Africa u qabtay Dowladda Japan waxana lagu casuumay wasiiradaha arimaha dibeda , danjirayaasha Safaaradaha wadamada kada Koonfuureed iyo Aqoonyahinanno.

8/27/2017 2:00 AM EST
Axad, Augusto, 27,2017 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa shalay la kulmay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Barigga Africa, Alexandar Rondos iyo wafdi uu hoggaaminayo.

8/27/2017 1:25 AM EST
Axad, Augusto, 27,2017 (HOL) -Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa si rasmi ah u furay xarunta dhexe ee maamulka Internet-ka hay’adaha dowladda (Network Operations Center - NOC) ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknooljiyada, taasoo ah middii ugu horreysay ee nooceeda ah ee laga hirgeliyo caasimadda.