4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 27, 2017
Gollaha wasiirada oo lagu amray in aysan isticmaalin Baraha Bulshada ogolaasho la’aan

 

Axad, Augusto, 27, 2017 (HOL) – War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed ayaa lagu amray xubnaha gollaha wasiirada in aysan isticmaali karin baraha bulshada iyo warbaahinta qeybaheeda kala duwan, iyagoo aan ogolaansho heysan.

Qoraalka ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa lagu faray dhamaan wasiirada in aysan isticmaali karin baraha bulshada, Idaacadaha, Telefishinada iyo wixii la xiriira warbaahin, ay u baahan tahay in marka hore ogolaansho ka heystaan xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Sidoo kale waxa la faray wasiirada in aanay ka hadli karin arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah, isla markaana loo baahan yahay in la isla ogyahay mowduuca ay ka hadlayaan ee quseeya xukuumadda.

Arintan ayaa ka danbeysay kaddib markii xubnaha gollaha wasiirada qoraalo iska soo horjeeda ama is burinaya ku faafiyeen Baraha Bulshada kuwaa oo la xiriira dhacdadii Bariire ee lagu dilay dadka rayidka, taasoo keentay in warbaahinta iyo bulshada inteeda kale ku jahwareeraan.

Akhriso Qoraalka ka soo baxay ra’iisal wasaare ku-xigeenka :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]