4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 27, 2017
War-murtiyeed ka soo baxay shirkii Japan iyo Africa

 

Axad, Augusto, 27, 2017 (HOL) –Shirkan oo laba maalmood ka socday caasimadda dalka Mozambique ee Maputo, ayaa waxaa Wadamada Africa u qabtay Dowladda Japan waxana lagu casuumay wasiiradaha arimaha dibeda , danjirayaasha Safaaradaha wadamada Africa-da Koonfuureed iyo Aqoonyahinanno.

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya, Yusuf Garaad Cumar iyo danjiraha dowladda Soomaaliya u matala wadamada dhaca Africa –da Koonfureed, Danjire Jamal Barrow ayaa Soomaaliya ugu qeyb-galay.

Intii uu socday Shirkan ayaa waxaa qudbado ka jeediyay madaxweynaha dalka Mozambique iyo Wasiirka Arimaha dibadda ee dalka Japan oo labaduba sheegeen in Africa uu dhaqaalaheeda soo kobcayo loona baahanahay in la hormariyo.

“Horumar ballaaran oo dhinac waliba leh ayaa ka jira Qaaradda Africa, gaar ahaan dhaqaalaha Africa waxaa uu u muuqdaa mid soo kobcayo, waxaase loo baahanyahay in la sii joojiyo dadaalada ku aadan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Qaaradda” ayuu yiri wasiirka arimaha dibedda Japan.

Ugu danbeyntii shirka ayaa laga soo saaray qodobo muhiim oo ay ka mid yihiin,baahida ganacsi xor ah oo dhex mara Africa iyo Japan, horumarinta kaabayasha dhaqaale ee Africa,Kobcinta maalgashi toos ee ah ee Africa, ballaarinta dhisidda ganaciyada yar yar iyo kuwa dhex-dhexaadka ah, iyo horumarinta adeegyada Aas-aasiga oo ay ka mid yihiiin Waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha nadiifka.

Shirkan Japan iyo Africa ayaa sanad walba la qabtaa waxaana sanadkii lasoo dhaafay lagu qabtay magaalada Nairobi, waxeyna dowladda Japan ka mid tahay dowladdaha sanadihii dambe Africa kala shaqeynayay horumarinta iyo kaabayasha dhaqaale ee Qaaradda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]