Qalalaase ka dhashay bixinta Kaararka codeynta doorashada Soomaaliland deegaanno ka tirsan gobolka Sool
Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) – Laba qof ayaa ku dhaawacmay degaanka Xalin oo ka tirsan degmada
Taleex, kaddib markii ay halkaa tageen
howlwadeennada Kaararka codeynta doorashada Soomaaliland.
Dr. Cabdikariin Goobe ayaa HOL u
sheegay in qalalaase ka bilaawdeen dhawr goobood, kaddib markii ay soo gaareen
in dad dhaawacmeen.
Kulamo ayaa socda sidii xal looga
gaadhi lahaa qalalaasaha saamayn xoogleh ku yeelatay qaybinta kaararka ayuu
yidh Goobe.
Qalalaasahan ayaa waxaa sii xoojiyey
kadib markii duleedka magaalada Taleex lagu diley nin, taas oo aan ilaa hada la
hubin sababta keentay.
Dhinaca kale habeenimadii xalay
waxaa magaalada Xuddun dhaawac lagu gaadhsiiyey dhagax iyo ullo ah
hawlwadeenadii kaadh qaybinta loo geeyey.
Weriyaha TVpga Soomaalind ee G. Sool
Barkhad Cumar oo ka mid ahaa dadka dhaawacu soo gaadhey ayaa Hiiraan Online u
sheegay in dad qaylinaya ay ku bilaabeen dhagax, waxaana uu sheegay in ciidamadu
ay markiiba xakameeyeen.
Rabshadahan lala beegsanayo kooxaha
kaararka qaybinaya ayaa ah kuwo diidan dadka goobahaasi lagu soo qoray oo ay
doonayeen in ay noqdaan kuwa deegaanka iyo kuwo arimo siyaasadeed lala xiriirinayo.
Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool