10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 1 , 2017
Shir looga hadlayay dakhliga iyo dhaqaalaha Soomaaliya oo Muqdisho ka dhacay


Talaado, August, 01, 2017 (HOL) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumada Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) ayaa maanta ka qayb galay shir looga hadlayay dakhliga iyo dhaqaalaha Soomaaliya, kaa soo ay soo qaban qaabiyeen Bankiga Aduunka.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgallay wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasiirka Ganacsiga, Agaasimaha guud ee Maaliyada, Shirkadaha Ganacsiga, Gobolka Banaadir, Jaamacadaha dalka iyo Madax ka socotay Bankiga dhaxe.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaliya oo kulan daah furay ayaa ka warbxiyay dakhliga soo gala dalka iyo isbdelka ku dhacay dhaqaalaha Soomaaliya, waxuuna caddeeyay in Sanadihii ugu danbeeyay la dareemayay koror dhaqaale, taaasoo uu ku sababeeyay wada shaaqeyn u dhaxeysa ganacsatada iyo dawladda dhaxe, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in aan wali la gaarin halkii loo baahnaa.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in Ganacsiga Soomaaliya intiisa badan uu yahay mid ku tiirsan dalka dibadiisa, waxuuna sheegay in xukuumadu samaynayso siyaasad ay ku kordhinayso dakhliga iyo dhaqaalaha dalka, iyadoon aan la kordhin canshuurta, balse shacabka Soomaaliyeed ayuu u soo jeediyay in ay bixiyaan canshuuraha si dawladu ay u fuliso adeegyada bulshada dalkuna uu horumar u gaaro.

“Sharciga canshuur bixinta Soomaaliya waa mid gaboobay, waxayna u badan tahay in dib loo eego si loola jaan qaado caalamka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Madaxdii lagu marti qaaday shirka ayaa dhamaantood isku raacay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kordhay sadexdii sano ee ugu dambeeyay, waxayna soo jeediyeen in la dhiirigaliyo wax soo saarka dalka, sidoo kalena la abuuro fursado Ganacsi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]