4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 3 , 2017
Musharax isku soo taagay qabashada xilka madaxweynaha maamulka Hirshabeelle


Axad, September, 03, 2017 (HOL) – Cabdi Faarax Laqanyo oo horay u soo noqday guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa munaasabad maanta ka dhacday magaalada Muqdisho uga dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Odayaal iyo waxgarad munaasabada ka qeybgallay ayaa sheegay in musharaxa u qalmo qabashada xilkan, iyaga oo ka codsaday bulshada ku dhaqan labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe in ay ku taageeraan Cabdi Faarax qabashada xilka madaxweynaha.

Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale ayaa ka codsaday musharixiinta kale in ay u tanaasulaan musharaxa, waxaana uu dhinaca kale baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ka dalbaday in ay codkooda siiyaan Cabdi Faarax Laqanyo.

“Siyaasiyiinta dooneysa in ay qabato xilka madaxweynaha Hirshabelle waxaan ugu baaqeynaa in ay u tanasulaan Laqanyo maadaama uu yahay ruugcadaa siyaasadeed’’”ayuu yiri Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale.

Musharax Cabdi Faarax Laqanyo oo kulankan ka hadlay u mahadceliyay dadkii ka soo qeybgalay oo sii qabanqaabiyay kulanka lagu taageerayay waxana uu sheegay in qorshahiisa siyaasadeed uu dhowaan soo bandhigi doono.

“Waxaan u mahad-celinayaa dadka soo qabanqaabiyay kulankan waxaanse ballanqaadayaa in aan horumar dhinac walba leh gaarsiin doono bulshada Hirshabeelle oo haatan u baahan samatabixin iyo in dowlad goboleedyada kale ay la jaanqaadaan.”ayuu yiri musharax Cabdi Faarax Laqanyo.

Dhawaan ayaa la filayaa in la qabto doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, kaddib markii lagu dhawaaqay guddi ka kooban Sagaal xubnood oo soo diyaarinaya habka ay u dhaceyso doorashada.

Xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ayaa kalsoonida kala noqday madaxweynihii hore ee maamulka Cali Cabdullaahi Cosoble oo ku sugan magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]