4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 24, 2017
Shir amniga ku saabsan oo Muqdisho ka dhacay Sawirro


Axad, September, 24, 2017 (HOL) – Kulan looga hadlayay sugida amniga guud ahaan dalka Soomaaliya ayna ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo diblomasiyiin caalami ah ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirka wada wada jir u guddoomiyay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, waxaana goob joog ka ahaa taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed Jeneraal C/xakiin Daahir Siciid Saacid iyo wafuud ka socotay dowlad gobolleedyada dalka ka jira.

Waxyaabaha ugu muhiimsan oo shirkaasi la iskula soo hadal qaaday waxaa ka mid ahaa dhaqan gelinta qodobada la xiriira dhinac amniga dalka Soomaaliya, kuwaa oo ka soo baxay shirkii bishii May ee sanadkan ka dhacay magaalada London.

Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abukar Isloow Ducaale oo shirka furay ayaa sheegay in uu shirkaan daba socdo shirar hore oo ka dhacay gudaha iyo dibadda dalka,kuwaa oo la xiriiray dhismaha ciidamo Qaran oo isku dhaf ah, islamarkaana ciidamadu ay isku diyaariyaan sidii ammaanka dalka ay uga la wareegi lahaayeen AMISOM.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay dhiseyso ciidamo isku dhaf ah oo awood leh si mustaqbalka dowladda Soomaaliya ugala wareegi karto howlgalka midowga Africa AMISOM nabad-galyada guud ahaan dalka Soomaaliya

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]