4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 24, 2017
Askari qof shacab ah ku dilay Muqdisho iyo dad ka careysan oo dibadbax dhigay

 

Axad, September, 24, 2017 (HOL) – Dadweyne careysan dhigay dibadbax ay uga soo horjeedaan dil duhurnimadii maanta Askari ka tirsan ciidamada Taraakifakada dowladda Soomaaliya uu u geystay darawal watay gaari yar degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir.

Goob joogayaal ayaa sheegay in askariga ay qofka rayidka ah ee la dilay uu dhaxmaray muran, kaasoo ugu danbeyntii sababay in askariga uu toogasho ku dilo qofka rayidka ah.

Dibadbaxayaasha ayaa socod ku soo maray qaar ka mid ah jidadka degmada, iyaga oo dowladda ka dalbaday in sharciga la horkeeno askariga falka dilka ah geystay.

Ciidamada Taraafikada ayaa inta badan u diida gadiidka yar ah ee gaarka loo leeyahay in la dhigo ama looga tago waddada dhinaceeda sababo la xiriira amniga, hasse ahaatee darawalada ayaa ku eedeeya ciidamada Taraakifada in si ula kac ah ay gadiidkooda u jiitaan iyaga oo u qaada xarunta Taraafikada halkaa oo milkiilaha gaariga la sheegay in looga qaado lacago ganaax ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]