4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 24, 2017
Qaybo ka mid ah qalabkii doorashooyinka Somaliland oo wadanka soo gaaray

 

Axad, September 24, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa sheegay in qaybo ka mid ah qalabkii doorashooyinka lagu galayey wadanka soo gaadheen.

Gudidda doorashooyinka ayaa madaarka Hargeysa kala soo degay qalabkii doorashooyinka qayb ka mid ah waxaanu sheegay in inta u hadhayna bisha Octobar 13-keedda iman doonaan.

Gudoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo ka hadlayey qalabkan waxay tidhi “Waxa inoo yimid shixnadii ugu horeysay inoo timid waxaanay ka kooban tahay afar kun oo ilo xidhood, waana waxa lagu qoro waraaqda doorashadda waana markii ugu horeysay ee aynu isticmaalno waa qalab caalami ah, ilaa 13 ka Octobar ayuu shayga ugu dambeeya ee doorashadda lagu galayaa imanayaa,”.

Mar uu ka hadlayey dadka tushuushka galiya in aanay doorasho dhacayn oo ay dib u dhacayso waxa uu yidhi “ waxaanu ku wargalinaynaa dadweynaha iyo dadkii su’aasha ka qabay doorashaddu ka dhici doontaa iyo ma dibay u dhici doontaa, doorashaddii waa la galay waana lagu jiraa, qof kasta sidaas ha aamino, sidaas ayaana ku galaynaa doorashaddii oo inoo qoondaysan November, 13/2017-ka”,

Doorashaddii madaxweynaha ayaa waxa ka hadhsan wax ka yar konton cisho, waxaanay sheegeen in tobanka cishe soo socda usoo dhamaystirmi doonaan qalabkoodda.

Dhinaca kale, guddida doorashooyinka iyo guddida anshaxa ayaa awoodi kari waayey in xisbiyadda ka joojiyaan ololaha aanay wakhtigeedii gaadhin ee ay bilaabeen, waxaana inta badan olole balaadhan oo la iskugu soo baxayo goboladda ka sameeya labadda xisbi ee WADANI iyo KULMIYE, taas oo sharcigu u ogolayn.

Inkastoo komishanka doorashooyinku digniino iyo garaaxba ku xukumeen labadaasi xisbi hadana wali wuu socdaa ololaha aan wali la fasaxin ee labadaasi xisbi samaynayaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland