Axad, September, 24, 2017 (HOL)-
Afar caruur oo isku qoys ah ayaa u geeriyooday dab ka kacay gurigii ay hurdeen
,isla markaana hooyadii dhashay caruurta uu dhaawac halis ahi ka soo gaadhay
dabkaasi oo ay xaalad adag ugu jirto cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa.
Shilkan ayaa ka dhacay xaafadda
Sheedaha ee degmadda Ibraahim Koodbeer ee waqooyiga Hargeysa, waxaanay ahayd
wakhti habeen badh ah kuna beegan 3:20 Pm daqiiqo waxayna ahayd wakhti dadku
wada hurdaan taas oo keentay in la arkay uun markii uu gurigii dambaska noqday.
Taliyaha Ciidanka Dab-damiska
Somaliland Axmed Maxamed Sawaaxili ayaa sheegay in habsanka ciidanka Dabdamiska
ka dhashay ka dib markii cidi ogaan wayday gubashadda guriga, maadaama oo xili
dambe oo habeenimo oo la wada hurdo ahayd.
“wixii aanu ka qaban karaynay waanu
ka qabanay, qadar alla lama baajin karin, dabkana waxa uu dhacay wakhti habeen
badh ah 3:22 pm cidi noo soo sheegtay ma jirin marka sida na loogu soo sheego
waxaanu usoo dhaqaaqna shan daqiiqoo mar walbana diyaar baanu ahayn marka habsa
waxa keenay xidhiidh la’aantaasi”ayuu yidhi Sawaaxili.
Dhinaca kale, waxa la isku
qabsaday cidda loo raacay khasaaraha nafta iyo maalkaba sababay, waxaana
markiiba qoyskii caruurtu ka dhimatay dacwad u gudbiyeen maxkamadda, iyagoo
dusha ka saaray dhibaatadan shirkadda Laydhka.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.