4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 24, 2017
Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray degmada Jalalaqsi


Axad, September, 24, 2017 (HOL) – Madaxweynaha cusub maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo socdaal ku maraya gobolka Hiiraan ayaa lagu soo dhaweeyay degmada Jalalaqsi, isaga oo ka soo anbabxay degmada Buula-burte.

Soo dhaweyn kaddib wafdiga madaxweynaha ayaa  kulan amniga looga hadlayo waxa ay la qaateen saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya, kaas oo intiisa badan looga hadlyay go’doonka saran degmada Jalalaqsi

Madaxweyne Waare oo kulanka ka hadlay ayaa mar kale sheegay in aan la aqbali karin xirnaashaha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Beledweyne oo ay Al-shabaab go’doomiyeen

Kulamada uu madaxweynaha Hirshabeelle uu la leeyhay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Jalalaqsi ayaa waxaa l filayaa in uu dib ugu soo labto Magaalada Baladweyne ee Xartunta Gobolka Hiiraan oo uu markii hore ka tegay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]