4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 24, 2017
Gudoomiye Thaabit oo wakiilka Midowga Afrika kala Hadlay Shilalka ay ciidamada AMISOM ka gaystaan Muqdisho

Axad, September, 24, 2017 (HOL) –Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdiho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminyay Wakiilka Midowga Africa ee AMISOM Francisco Caetano Madeira iyo taliyaha ciidanka AMISOM Ganaraal Subagle.

Maamulka G/baadir iyo Midowga Afrika ayaa ka wada hadlay qorshaha xasilinta caasimadda iyo hormarinta arrimaha bulshada.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdiho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in labada dhinac ay qorshe u sameyeen arrimah la xiriiro shilalka ay xiliyada qaar gaystaan ciidanka AMISOM.

Gudooomiyaha ayaa sidoo kale tilmamay inay ku heshiiyen in ciidannka AMISOM ay si dhaqsi ah u soo wareejiyaan garoonka weyne ee Muqdisho Stadium, isagoo xusay in gudo loo saarayo qorsha soo wareejinta garoonka oo dhawaan lagu soo wareejin doon.

Guddoomiyaha Thaabit ayaa Midowga Africa kala hadlay amniga Muqdisho iyo doorka ay ku leeyihiin Ciidamada AMISOM in la xakameeyo shilalka ay AMISOM ka geystaan Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa guul weyn ka gaaray kulankii uu la yeeshay wafdi uu hogaaminyay Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Caetano Madeira iyo taliyaha ciidanka AMISOM Ganaraal Subagle.

Mustafa Hussien
[email protected]