4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 24, 2017
Gollaha wasiirada Galmudug oo ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka dhax jira maamulka

 

Axad, September, 24, 2017 (HOL) – Kulan magaalada Cadaado ay ku yeesheen xubnaha gollaha wasiirada maamul gobolleedka Galmudug ayaa looga wada hadlay khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhaxgalay mas’uuliyiinta maamulka.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan ayaa warbaahinta faah faahin ka siiyay wax yaabihii ka soo baxay shirka ay ku yeesheen Cadaado.

Waxaa uu sheegay wasiirka in leysku afgartay joojinta dhamaanba shirarka siyaasadeed inta xal laga gaarayo khilaafka u dhaxeeya Madaxda maamulka.

Waxaa kaloo uu sheegay in leysku raacay in Galmudug loo daayo xalinta khilaafkeeda, in la ilaaliyo amniga iyo in waqti badan la galiyo u gurmashada dadka dhibaateysan.

Go’aamadan ka soo baxay golaha wasiirada Galmudug ayaa ka dambeeyay, kaddib markii Madaxweynaha Galmudug, Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka uu soo kala dhex galay khilaaf ka dhashay xiisada khaliijka oo Maamulka Galmudug uu isku khilaaf.

Dhawaan ayeey aheyd markii qoraal ka soo baxay madaxtooyada Galmudug oo uu ku saxiixaan madaxweyne Xaaf lagu taageeray isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, halka dhinaca kale go’aankaa ay ka soo horjeesteen madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoonka sare ee baarlamaanka Galmudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]