4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 24, 2017
Lix qof oo lagu dhaawacay bariga magaalada London ee dalka Britain

 

Axad, September, 24, 2017 (HOL) - Lix qof ayuu dhaawac ka soo gaaray weerrar ka dhacay bariga London oo looga shakisan yahay in loo adeegsaday walxo sun ah, weerrarkaas ayey rag ka gaysteen dhowr goobood oo u dhaw aagga laga dukaamaysto.

Booliska ayaa tegay xarunta Startford saacaddu markii ay aheyd 8-dda fiidnimo xilliga London kaddib markii uu muran dhexmaray laba kooxood oo rag ah, halkaas oo lagu soo tuuray walxo sun ah.

Howlwadeenada gaari nooca gurmarka degdega ah ayaa waxa ay goobta ku dabiibeen ilaa lix qof iyadoo saddex ka mid ahna loo qaaday isbitaalka.

Wiil 15 jir ah ayaa lagu soo xiray wax looga shakiyay in ay jirka dhaawac gaarsiin karaan.

Dadka dhaawaca ah oo loo malaynayo in dhawaacoodu uusan khatar ahayn, ayaa waxaa la rumaysan yahay in lagu dhaawacay dhowr meelood oo kala duwan, taas oo keentay inay faafto cabsi ku saabsan in dadka si teelteel ah loo beegsanayo.

Sikastaba ha ahaatee booliska London ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay wax ka soo gaareen weerrarka hore.

BBC

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]