Wasiirka duulista Hawada ‘’ Garoonka Aadan Cadde waxaa uu shaqeynayaa habeen iyo maalin
Axad, September, 24 2017 (HOL) - Wasiirka wasaaradda
duulista hawadda dowladda Soomaaliya
Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Aadan
Cadde uu shaqeyn doono habeen iyo maalin taasoo uu ku tilmaamay in ay tahay
hormar weyn oo ay sameysan dowladda.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu noqday
mid caalami ah oo la jaan qaadikaraa garoonada caalamiga ah.
‘’Garoonka waxaa uu furan yahay 6:00 subaxnimo ilaa laga gaaro 10:00
habeenimo waqtigaa oo ay shaqaaluhu diyaar ku yihiin garoonka si ay uga
adeegaan bulshada ayuu yiri’’ wasiirka duulista hawada dowladda Soomaaliya.
27-Sano kaddib markii ugu horreysay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde xilli habeen
ah , waxaa kasoo degtay diyaarad siday dad Shacab ah.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa jooggay Garoonka Xilliga ay
soo deganaysay diyaaraddaasi.
Garoonka ayaa dhawaan lagu xiray nalalka loogu tala galay in ay ku
shaqeeyaan diyaaradaha xilliyadda Habeenkii ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]