4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 24, 2017
Galmudug oo Puntland ku eedeysay in ay weerartay dad shacab ah

 

Axad, September, 24 2017 (HOL) – Taliyaha ciidamada  gobalka Mudug ee maamulka gobolleedka Galmudug Xassan Faarax Kaarshe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Puntland ay weeraro toos ah ay ku soo qaadeen shacab sida uu hadalka u dhigay xoolo dhaqato oo ku nool bariga gobolka Mudug.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada weerar soo qaaday ku dileen deegaannada bariga gobolka Mudug dad shacab ah, gaar ahaan deegaanka Godod.

“Puntland waxay soo qaatay weerar cad oo xoolo dhaqato lagu dilay waan u dulqaadan weynay waxaana ciidamo u direen bariga Mudug si aan u difaacno shacabkeyna” ayuu yiri taliye Kaarshe.

Taliyaha ayaa sidoo kale Puntland ku eedeeyay in maamulkooda uu diiday in ay shaqo galaan ciidamadii dhawaan loo sameeyay amaanka Gaalkacyo iyo dhamaan xadduudaha ay wadaagaan Galmudug iyo Puntland sidaas darteedna Galmudug aysan wax shaqo ah ku leheyn sida uu hadalka u yiri dagaalka socda.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Puntland oo la xiriira dagaalkii shalay ka dhacay degaanno ka tirsan gobolka Mudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]