Axad, September, 24 2017 (HOL) – Madaxweynaha
dowladda Uganda ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee ka howlgalla gudaha
Soomaaliya aysan aheyn Shaqaalle ka tirsan Qaramada Midoobey ,laakiin ay yihiin
ciidamo ay leedahay Qaaradda Afrika.
Museveni ayaa sheegay in marar badan uu maqlay in ciidamaddaasi ay yihiin
ciidamo ka tirsan Qaramada Midoobey ,taasi ay tahay been abuur ,islamarkaana
Qaramada Midoobey wax ka bixiso taakuleynta Ciidamada AMISOM.
Waxaa uu xusay, in aysan aheyn shaqaale Qaramada Midoobey ah, laakiin loogu
tala galay in ay bixiyaan Adeegga dadweynaha oo Ammaanka ah, islamarkaana ay ka
shaqeeyaan Xasilinta Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ka hadlayey kulan ay ku yeesheen madaxda Howlgalka Midowga
Afrika AMISOM waxaana uu carrabka ku
adkeeyay in doorka ciidamada AMISOM uu yahay mid loogu talagalay soo afjaridda
dagaalada argagixisada Africa sida xasilinta Soomaaliya.
“AMISOM waa Ciidan afrikaan ah. Ma ahan shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay
ama Soomaaliya, “ayuu yiri Museveni sida lagu sheegay war saxaafadeed uu soo
saaray shalay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]