4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 24, 2017
Shil dhimasho iyo dhaawac sababay oo saakay ka dhacay Muqdisho

 

Axad, September, 24 2017 (HOL) – Labo ruux ayaa ku dhimatay tiro ka badan 20 ruux kalana waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii uu rogmaday gaari xamuul ah oo waday shaqaale ka tirsan xoogsatada ka howlgala garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Gaariga ayaa la sheegay in uu ku rogday inta u dhaxeysa Isgooyska Nabiisbuundo iyo Xaafadda Maana-Boolyo ee degmada Shibis xili la sheegay in uu ku socday xowli dheereeye.

Goob jooge ayaa sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay dhamaantood ka tirsanaayeen shaqaalaha xoogsatada ah ee ka shaqeeya dhismayaasha kala duwan ee ka socda garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Dadka dhaawacmay ayaa la dhigay goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho halkaa oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Dhinaca kale hal qof ayaa ku dhintay Labo kalana waa ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay deegaanka Garisbaaley ee dulleedka magaalada Muqdisho

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]