4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 24, 2017
Xiisad dagaal oo wali ka taagan bariga gobolka Mudug

 

Axad, September, 24 2017 (HOL) – Tiro ka badan 10 ruux oo ayaa ku dhimatay 20 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo maalintii shalay ka dhacay deegaanno dhaca bariga gobolka Mudug.

Dagaalka oo ahaa mid leysku adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka ayaa dhaxmaray maleeshiyaad ka soo kala jeeda maamulada Galmudug iyo Puntland oo markii danbe gurmad ka helay dhinacyada ay ka soo kala jeedaan kuwaa ku biiray dagaalka.

Wararka saakay naga soo gaaraya deegaannada lagu dagaalamay ayaa sheegaya wali halkaa ay ka jito xiisad dagaal oo u dhaxeysa maleeshiyaadka iska soo horjeeda, waxaana barakacay dadkii rayidka ahaa oo u badan xoolo dhaqato.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa wali ka aamusan dagaalkaasi, mana jirto cid war kasoo saartay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]