Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo ku dhawaaday xeebaha bari ee Waqooyiga Kuuriya
Axad, September, 24 2017 (HOL) --Diyaaradaha dagaalka ee bamka xambaara ee
Maraykanku ayaa dulmaray meel u dhow xeebaha bari ee Kuuriyada Waqooyi.
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay inay ahayd dhoolatus ay wasaaradda difaaca
Maraykanku ku muujinaysay ilaa heerka ay gaarsiisan tahay awoodda Maraykanka
iyo go’aamada uu qaadan karo madaxweyne Trump.
Pentagonka ayaa sheegay in talaabadan ay ahayd mid muujinaysa talaabooyinka
dhinaca dagaalka ee uu madaxweynuhu kala dooran karo haddii ay halis ka
timaaddo dhinaca Kuuriyada Waqooyi.
Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa gaadhay halkii ugu fogayd ee dhinaca
Kuuriyada Waqooyi ee ay gaadhaan tan iyo bilawgii qarniga 21aad.
Dhinaca kalena, wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi oo ka hadlay
fadhiga loo dhanyahay ee qaramada midoobay ayaa aflagaado iyo cambaarayn u
miisay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Ri Yong Ho ayaa khudbadiisa ku sheegay inuu jawaab cad siinayo madaxweynaha
Maraykanka oo uu ku tilmaamay inuu yahay qof dhinaca maskaxda ka xanuunsanaya
oo isla weyn.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in haddii ay
dhintaan dad rayid ah oo maraykanka ah ina arrintaasi uu mas’uuliyadeeda yeelan
doono madaxweyne Trump ooh ore ugu hanjabay kuuriyada waqooyi inuu burburin
doono.
Wasiirka ayaa sheegay in 8-dii bilood ee uu Trump talada hayay uu aqalkii
cadda buuq iyo sawaxan ka dhaliyay, isla markaana uu doonayo inuu golaha
Qaramada Midoobay ka dhigo mid u dhaqmaysa sidii maafiyada oo lacag iyo dhagar
laga shaqeeyo.
VOA
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]