4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 23, 2017
Wasiir Yariisoow oo baarlamaanka u soo bandhigay wax ka badalka lagu sameeyay xeerka Saxaafadda

 

Sabti, September, 23, 2017 (HOL) - Wasiirka wasaarrada Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo maanta hortagay gollaha shacabka ayaa u soo bandhigay xildhibaannada wax ka badalka lagu sameeyay xeerka saxaafadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ka warbixiyey taariikhda uu Xeerka Saxaafada soo maray oo markii ugu horreysey 2007 uu Baarlamaankii KMG ahaa ansixiyey, walow aan markaas si rasmi ah loo dhameystirin habraacii dhaqangalka. Ka dibna dhowr jeer ayaa la isku dayey oo wax ka bedel lagu sameeyey.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa u mahadceliyey Wasiiradii ka horeeyey oo Xeerkan soo diyaariyey sida Wasiir Maareeye iyo Wasiir Mustaf Dhuxulow, iyadoo wadatashi dheer lala sameeyey dhammaan bahda saxaafada iyo Dowlad Goboleedyada sanadihii 2014 iyo 2015 iyo sanadkan 2017. September 2014 ayuu Xildhibaan Mustafa Sh. Ali Dhuxulow oo markaas Wasiirka ahaa hor geeyey Golaha Wasiirada, ka dibna ugu danbeyntii Wasiirkii hore, Xildhibaan Maxamed Cabdi Hayir (Mareye) ayaa 2015kii hor-keenay Golahan oo 28kii December 2015 la ansixiyey.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa sheegay in sababta wax ka bedel loogu sameeyey Xeerka Saxaafada ay aheyd codsi uga yimid bahda Saxaafada oo qodobo qaarkood u baahday in isbedel lagu sameeyo ka hor inta aan la dhaqangelin. Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Annagoo tixgelineyna codsiga bahda saxaafada ayaan bilownay wadatashiyo oo 6 – 8dii May 2017 kulan ku yeelanay Muqdisho oo ay dowlad goboleedyada iyo bahda Saxaafada goob-joog ahaayeen.

Qoddobadii wax ka bedelka ee la isku raacay ayaan wada siiqeynay. Intaas ka dib ayaan sii wadnay wadatashiga oo aan gaarsiinay heer aan Xeerkii oo isbedelka lagu sameeyey aan ka sii wadatashano. Kulamo kale oo aan Bahda Saxaafada iyo Dowlad Goboleedyada la sameynay bishii June 2017 ayaan ka sii wadatashanay iskuna wada raacnay qoddobada wax ka bedelka u baahan. 22kii Juun iyo 11kii July ayaan markale bahda saxaafada iyo Dowlad Goboleedyada u gudbinay nuquladii ugu danbeeyey, ka dibna Golaha Wasiirada ayaa 13kii July 2017 ansixiyey Xeerkan lagu sameeyey wax-ka-bedelka.”

Qoddobada wax ka bedelka lagu sameeyey ayaa waxaa ka mid ah:
• Qoddobka 35aad oo shuruudihii aqoonta iyo Jaamicada ka saarnay annagoo u daneyneyna daruufaha heysta suxufiyiinta.
• Qoddobka 18aad oo isna laga saaray shuruudihii aqoonta iyo imtixaanka;
• Qodobka 5aad – Waxaa laga saaray ereyga “haddii uu fal dambi ka dhasho (criminal case)” – arrimaha fal danbiyeedka waxaa jira shuruuc kale oo ay khuseyso – Firqadiisa T) lacagta ganaaxa oo laga dhigay 300 – 1500 (halka ay markii hore ka aheyd 500 – 3000);
• Qodobka 34aad – Qidmada lagu fiirsado TV-ga (Tv Licence) – halkii markii hore aheyd in qof walba oo daawada TV uu bixiyo Qidmada TV-ga, waxaan ku bedelnay in shirkadaha Cable-da ee bixiya adeegyada TV-yada in lacagaha ay shacabka ka qaadaan ay ku waajibeyso canshuur. Sababta aan u sameynay ayaa aheyd inaysan macquul noqon karin in qof walba oo daawada TV laga qaado Qidmo oo ay aad u adkaan la heyd dhaqanglintiisa.
• Qodobka 14aad – Guddiga Saxaafada Soomaaliyeed – waxaan ku darnay qeyb oraneysa Milkiile, Maamule, suxufi xarun warbaahineed u shaqeeya iyo Tifaftire waxaa ka reeban kamid-noqoshada Guddiga Saxaafada si looga fogaado danaha iska-hor-imaanaya (Conflict of Interest) – Waqtiga Guddigana waxaan ka dhignay 2 sano, halkii uu markii hore ahaa 4 sano – Sababta ayaa ah bacdamaa guddigan uu cusub yahay, tahayna markii ugu horreysey oo caqabado ay la kulmayaan in waqtiga la yareeyo, walow loogu dari karo mudada oo loo kordhin karo.
• Qoddobka 33aad – Adeega Warbaahinta Dowladda waxaa lagu bedelay Adeega Warbaahinta Bulshada – sababta ayaa ah in baahi gaar ah loo qabto adeega warbaahinta Bulshada bacdamaa uu dalku galayo marxalad xisbiyo siyaasadeed lagu hirgelinayo oo doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah la qabanayo.
• Qoddobka 16aad, Qoddobka 21aad, Qoddobka 27aad, Qoddobka 28aad, Qoddobka 30aad, Qoddobka 31aad waxaa lugu xusay doorka wasaaradaha Dowlad Goboleedyada.
• Qoddobka 38aad – Ilaalinta Xaqa Lahaanshaha oo markii hore af-english u fasirnaa (Copy Right) ayaan hadda ku bedelnay (Intellectual Property Rights) –
• Qodobka 1aad – Erey bixinta oo la-tashiyo lala sameeyey Garyaqaanada ayaa erayada sixitaan lagu sameeyey, walow macnahu uu isku mid yahay –

Baarlamaanka Soomaaliya ayuu ka codsaday wasiirka in ay ka gutaan waajibaadkooda qaran xeerka, islamarkaana ansixiyaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]