4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 23, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay guddiga dastuurka

 

Sabti, September, 23, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dib u eegista Arrimaha dastuurka dalka, kaasoo lagu wado in dhowaan loo soo bandhigo dadweynaha.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Cabdi xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh, iyo Guddoomiyeyaasha Guddiyada Dastuurka Qaran iyo kan madaxa banaan.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa si weyn looga hadlay sidii loo heli lahaa dastuur dhameystiran oo uu dalka yeesho, ka hor dhamaadka sanadka 2018, si bulshada Soomaaliyeed ay afti uga dhiibtaan Dastuurka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Hey’addaha Dastuurka dalka looga fadhiyo hab iskaasho, si looga mira dhaliyo howsha dib u eegista Dastuurka, isla markaana shacabka codkooda wax ku doortaan mustaqbalka dhow.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku booriyay Guddiyada ay quseyso arrimaha dib u eegista Dastuurka dalka inay wada shaqeyn dhow ka yeesheen sidii loo dar dar gelin lahaa, isla markaana waqti dhow la soo afjaro howsha dib u eegista oo muhiim au ah doorashooyinka dalka ka dhici doono.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]