4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 23, 2017
Wararkii ugu danbeeyay dagaal ka socda bariga gobolka Mudug

 

Sabti, September, 23, 2017 (HOL) – Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in wali uu ka soconayo deegaan lagu magacaabo Qurac-Gaashaan dagaal u dhaxeeya maleeshiyaad ka soo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkan ayaa qarxay kaddib markii maalmihii ugu danbeeyay deegaaannadaas ka dhaceen dilal la xiriira Aano Qabiil sida ay warbaahinta u sheegeen dad ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Wararku waxaa ay sheegayaan labada dhinac ee dagaalamaya isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan waxaana saameyntiisa laga dareemay magaalada Gaalkacyo.

Deegaanada lagu dagaalamayo ayaa ah deegaan Oomane ah ayaa waxaa in muddo ah ka jiray muran la xiriira ceel biyood u dhaxeeya.

 Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda labad dhinac ayaa hadda ku howlan sidii loo joojin lahaa dagaalka oo sababay barakaca dadkii reer miyiga ahaa oo markii horeba la dhibaateysnaa Abaartii ku dhuftay gobolka.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulada Galmudug iyo Puntland oo ku aadan dagaalka maleeshiyo beeleedyada u dhaxeeya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]