4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 23, 2017
Dibadbax ka dhacay degmada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug Sawirro


Sabti, September, 23, 2017 (HOL) – Dibadbaxan oo ay ka qeybgalleen mas’uuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Cadaado ayaa lagu taageeray go’aankii madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu ka qaatay qalalaasaha wadamada Carabta.

Dibadbaxan oo ay soo qabanqaabiyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowlad gobolleedka Galmudug ayaa dadki ka soo qeybgallay waxaa ay siteen boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo lagu taageerayay go'aanka madaxweyne Xaaf.

Wadooyinka magaalada Cadaado ayeey socod ku soo mareen banaan baxayaasha oo u badnaa haween iyo carruur, iyaga oo ku dhawaaqayay erayo ay ku soo dhaweynayeen go’aanka ka soo baxay madaxtooyada Galmudug..

Go’aanka madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa waxaa ku kala qeybsamay mas’uuliyiinta dowlad gobolleedka Galmudug oo qaarkood ku sheegay tallaabadaa mid madaxweynaha u gaar ah laakiin aan quseyn maamulka intiisa kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]