4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 23, 2017
Madaxweyne Waare oo la shiray saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobey Sawirro


Sabti, September, 23, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Beledweyne kulan kula qaataysSaraakiisha UN-ka ee Xafiiska Magaalada Beledweyne, Waxaana kala hadlay xoojinta wax ka qabashada baahiyaha ka jira Hirshabelle iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta iyo dib u dhisa Hirshabelle.

Ugu horeyn saraakiisha uu kulanka la qaatay ayaa ugu hambalyeeyay mas'uuliyada  ulus ee 16-kii bishaan loo doortay, waxaana ay muujiyeen sida diyaarka ay ugu yihiin la shaqeynta dowlad goboleedka Hirshabelle iyo madaxweynaha cusub.

Saraakiisha ugu sareysa Xafiiska UN-ka ay ku leeyihiin Magaalada Beledweyne ayaa waxa ay faah faahin ka siiyeen Madaxweynaha howlaha ay ka qabteen Hirshabelle, iyo qorshayaasha horyaala in ay wax ka qabtaan oo ay ka mid yihiin horumarinta kaabayaasha Dowladda, Dib u dhiska Deegaanada Hirshabelle, iyo arrimaha Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay sida lagama maarmaanka ay u tahay wanaajinta iyo xoojinta xiriirka kala dhexeeya hey'adaha Qaramada Midoobay, waxaana uu ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa Maamulka islamarkaana looga jawaabi lahaa baahiyaha deg dega ee soo food saara Bulshada Hirshabelle.

Madaxweyne Waare oo sii hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in bulshada loo bandhigo waxqabad muuqda oo ay ku qanci karaan taasina looga baahanyahay in UN-ka uu ka shaqeeyo fulinta Mashaariicyo horumarineed oo ay soo gudbin doonto dowladda Hirshabelle, waxaana ay balanqaadeen Saraakiishaasi fulinta Waxyaabaha uu ka hadlay Madaxweynaha.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday Jawi wanaagsan oo la isku fahmay waxyaabihii lagu balamayna sida ugu dhaqsiyaha badan loo fuliyo, sidoo kale waxaa  ay isla garteen in la joogteeyo kulamada noocaani oo kale
ah oo la isku xog wareysanayo.

Mustafa Hussein

Hiiraan Online