4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 23, 2017
Shirka Qurba joogta ee Maalgashiga Soomaaliya oo Minnesota ka dhacay Sawiro & Video

Sabti, September, 23, 2017(HOL) -Shir  balaaran oo looga hadlaayay qurbo-joogta doonaysa inay maalgashato Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota qaasatan Jaamacada gobolka Minnesota, kulankan oo ay si wada jira u soo qabanqaabiyeen Hay’ada Somali Action Allince iyo Ururka kaalmada dibada ee Maraykanka ee USAID.

 

Waxaana Shirkan ka soo qaybgalay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka Axmed Ciise Cawad ,madax ka socotay ha’yada USAID, Duqa Magaaladda Minneapolis Betsy Hadges, madaxda rugta ganacsiga Soomaaliya, qaar ka mida hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya horemarinta bulshada ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya iyo Waliba ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool daafaha dunida oo iyagana ka dhex muuqday kulankaan .

 

Agaasimaha Guud ee hay’ada Somali Action Allance Xaashi Shaafi ayaa ugu horeen u mahadceliyey dadkii ka soo qaybgalay kulankaan iyo intii gacan ka gaystay qabsoomidiisa,

Waxuna  Xaashi yiri ujeedada ugu wayn ee aan isagu kiin yeernay waa si aad isku aragtaan maadaama aad qaarkiin haysaan fekerkii qaarkiina aad haysaan dhaqaalahii ,waxaana filayaa inuu shirkaan ka soo baxi doono wax dan u ah horemarinta dhaqaqalaha ee dadka Soomaaliyeed.

 

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka Axmed Cawad oo isaguna khudbad dheer kulanka ka jeediyey ayaa ka waramay awooda qurbo joogta ee  ku aadan maalgashiga Soomaaliya waxuuna xusay in fursadaha yaala Maraykanka iyo dunida kaleba looga faaiidayo Soomaaliya, waxuuna safiirku carabka ku dhiftay dhawr mashruuc oo looga faaiidayn karo dalka Soomaaliya.

 

Cabdirashiiid Sh.Cali Axmed  oo ka hawlagala Xafiiska laga maamulo Magaaladda Minneapolis kana mid ahaa qabanqaabiyaasha shirkaan ayaa HOL u sheegay in war murdiyeed ka soo baxay gabagabadii shirkaan laysku af gartay in sanad walba mar la qabto kulankaan oo kale, waxaa kaloo Cabdirashiid sheegay in loo baahan yahay in xiligaan si wadajira loogu soo jeesto sidii horemarin dhaqaale loogu abuurahii lahaa dalkeenii.

 

Siyad Said Salah’

[email protected]

hiiraan online

Minneapolis MN