4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 23, 2017
Wasiirro maanta hortagaya xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya

 

Sabti, September, 23, 2017(HOL) – Wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta hortagaan fadhiga mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii ay dhawaan dalbadeen xildhibaannada.

Wasiirada ayaa xildhibaanada u akhrin doono hindise sharciyeedyo la doonayo inay ansixiyaan marka ay dood ka yeeshaan kadib.

Wasiirada maanta hortagayo xildhibaanada golaha shacabka ayaa kala ah wasiirka caafimadka, Cadaaladda iyo warfaafinta.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumada Soomaaliya Drs Foosiyo Abiikar Nuur ayaa Xildhibaanada ka hor jeedin doonto Hindise sharciyeedka Caafimaadka Dalka

Xassan Xuseen Xaaji Wasiirka cadaaladda  ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu Xildhibaanada ka hor jeediyo hindise sharciyeedka la dagaalanka Musuq Maasuqa.

Wasiirka warfaafinta ayaa xildhibaanada ka hor jeedin doono wax ka badal lagu sameeyay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]