4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 23, 2017
Ra'iisal wasaare kheyre'' ciidamadeena waxaa hor taagan cunaqabateynta hubka ee saaran

 

Sabti, September, 23, 2017(HOL) - Xarunta Qaramada Midoobay ee New York waxaa qudbad taariikhi ah ka soo jeediyay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Hassan Ali Khayre.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in dhanbal Salaan ah uu ka sido Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo dhanka kale faahfaahin ka bixiyay isbadalka ay Soomaaliya gashay iyo halka ay ka timid, Waxa uu qiray in Soomaaliya ay samaysay horumar la taaban karo

"Soomaaliya horay ayay u socotaa waxana naga go'an in aan sidas ku sii scono, hadafkanagu waa in aan ka qeyb qaadana horumarinta gobolka qaarada iyo caalamkaba, inkasta oo ay jiraan marxalado adag hadana waxaan horumar la taaban karo ka gaarnay , Amaanka, soo celinta sharcia iyo kala danbaynta iyo sal u dhigida siyaasada"

Mudane Khayre oo ka hadlayay kooxaha Nabad diidkaa ayaa xusay in caqabadaha ugu balaaran ay yihiin dhibaatootinka argagixsada.

"Argagiixsada ayaa kow ka ah caqabadaha aan wajahayno, taas oo saamaynaysa guud ahaanba caalamka loona baahanyahay in si wada jir ah looga hortago, Haddii aan nahay dowladda Soomaaliya waxaan guulo waaweyn ka gaarnay la dagalanka kooxda Al-shabaab oo aan ku wiiqnay awooda kooxdaasi, Waxan u mhadcelinaynaa ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM oo aan ka helnay naf u hurid iyo taageero balaaran oo aan hagrasho ku jirin"

 

Ra'iisal wasaaraha ayaa qudbadiisa ku xusay ahmiyada dhalinyarada iyo sida ay xukuumaiisu tixgalin u siinayso isaga oo tusaale u soo qaatay  alllaha u naxariistee wasiir cabaas siraaji oo tusaale  u ahaa dhalinyarada 

" Faqriga waxbarasho la'aanta iyo nolosha adag ayaa ah kuwo sii kordhinaya dhibaatooyinka iyo ficilada argagixida aduunka oo dhan, dhalinyarada oo aan loo helin fursado shaqo iyo waxbarasho ayaa sii badinaya ku biiristooda kooxaha danbiilayaashaa oo ay argagixisadu ka mid tahay"

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in cuna qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya ay hortaagantahay Guul laga gaaro ladagaalanka kooxaha nabad diidka ah.

Qodbada ra’iisal wasaaraha oo dheereyd waxaa lagu xusay in Somaliya ay la dagaalamayso Musuqa, isla markaan dowladu ku dadaalayso tayaynta ciidanka qaran iy sidii loogu dhamaystiri lahaa Tasiilaadkii ay kula wareegi lahayeen amniga dalka

Deeqo Shire (SONNA)

[email protected]