4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 22, 2017
Maamulka gobolka Banaadir oo wax ka qabanaya goobaha biyo fariisinka ah ee Muqdisho

 

Jimco, September, 22, 2017 (HOL) – Iyadoo magaalada Muqdisho saacadihii ugu danbeeyay ka da’ayeen roobab lagu diirasaday, ayaa dhinaca kale roobabkan waxaa ay sameeyn ku yeesheen isku socodka dadka iyo gadiidka, kaddib markii jidadka qaar ay gooyeen biyaha roobka.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu arintaan ka warqabo islamarkaana bilihii ugu danbeeyayba ku howlanaayeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen goobaha biyo fariisinka ah marka ay da’aan roobabka.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyada gobolka Banaadir Maluuko Cabdiqaadir Dheere ayaa warbaahinta u sheegtay in dadaalo badan ay geliyeen bilooyinkii ugu dambeeyay wadooyinka biyaha ay fariistaan sidii wax looga qaban lahaa oo deg deg biyaha looga qaadi lahaa.

Sidoo kale waxay sheegtay in qorshaha maamulka gobolka Banaadir uu yahay sidii loo dayactiri lahaa bulaacadaha waa weyn ee ku yaalla hareeraha wadooyinka, kuwo cusubna loo dhisi lahaa.

Xalay waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo nawaaxigeeda ka da’ay Roob ay ku qabowsadeen shacabka, laakiin gadiidleyda ayaa marka aad la sheekeysato kuu sheegaya in marka ay sidan oo kale roobabku u da’aan ku adkaato in ay maraan jidadka qaar magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]