Jimco, September, 22, 2017
(HOL) – Inta la xaqiijinayo ilaa 50 ruux
oo muhaajiriin ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ku qaraqmeen badda ka dib markii
doontii ay saarnaayeen uu ka dhammaaday shidaalkii iyadoo maraysa xeebaha dalka
Liibiya.
Doonta oo ay saarnaayeen 100 ruux ayaa Jimcihii hore
ka shiraacatay magaalada Sabratha ee ku taala dhinaca galbeed sida ay saraakiil
deegaankaas ah u sheegeen BBC-da.
Doonta ayaa badda dul sabaynaysay maalmo ka hor inta
aysan dagin, badda ayaa markii dambana ku soo tuftay agagaarka magaalada Zuwara
saacadihii hore ee Arbacadii.
Soddon iyo shan ruux oo doontaas ka badbaaday iyo
siddeed mayd ah ayaa la helay sida ay saraakiishu sheegeen.
Afhayeen u hadlay ciidammada badda ee Liibiya ayaa
sheegay in dhammaan dadka soo badbaaday ay ka soo jeedaan dalalka Saxaraha
Afrika ka hooseeya.
Liibiya ayaa ah marin caan ah oo ay
adeegsadaan tahriibayaasha isku dayaya in ay gaaraan koonfurta Yurub iyaga oo
badda sii maraya.
Baddankood waxaa la saaraa doomo aan u qalmin in ay
badda ku safraan, kuwaas oo dadka wax tahriibiya ay marka dambe kaga dhuuntaan
badda Mediterranean.
BBC
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]